Saturday, July 4, 2015

Gabay ka hadlaya SAAXIIBKA

*Sumada dhacdadiyo xiliga,
*Bilaha sanadkiyo qarniga,
*Sooyaalka qadiimigee ,
*Samayska aduunyadiyo,
*Saan qaad leh aadamiguye ,
*Ilaa sabaankani casrigu.
*Casrigu ku qeexay siyaasiyo,
*Soodh laba af lahe ,
*Sxbku wuxu ahaa halbeeg,
*Sidig ku ah naftoo kalsooni ku siiya,
*Sadriga qayb buu ahaa,
*Sidaha wadnuhuu ahaa,
*Saldhiga tashiguu ahaa,
*Siraad baxayuu ahaa,
*Dul qaad buu ahaa,
*Rajada hanka lagu sabuu ahaaa,
*Subaga maskaxduu ahaa,
*Sxbku wuxu ahaa sideed hooyadu dhashiyo,
*Sokeeye mid kaa xiguu ahaa,
*Sirtaaduu xafidaa,
*Sxbku wuxu ahaa hiilkii Sumcadaadiyo,
*seef aad ku dagaal gashiyo,
*Sama waduu ahaa,
*Sxbku wuxu ahaa kasoo hadha,
*Maalintay danaystayaashu socdaan,
*Qabyaalad sunteediyo qadiyad sooc kuguma daayo,
*Sxbka wngsn sinaba kuma kala hadhaane,
*Markaa hilipka soorataan waxaad saami u heshuu,
*Sadkaaga in kuugu daraaye.
*Awood kaa saraysiyo ,
*Sxbku maaha suldaan.
*Sahanka noloshuu ahaa ,
*Surin ku dayashuu ahaa.
*Markaad silbadana mid ku saxuu ahaa,
*xurmuu kugu sooraaa,
*Adoo sun siinayuu subag kugu sabaaaa,
*Korkaaga wax sariyo sahankuu kaa ilaaliyaa,
*Sagaal jeer haduu wax helo,
*Saluug kuuma muujiyee,
*Siduu shalay ahaa baad,
*Saaka ugu tagtaaye,
*Sxbku dad buu noqdaa,
*Sxbku dal buu noqdaa,
*Sxbku runtuu noqdaa,
*Sxbku xaq buu noqdaa,
*Sxbku cibaadiyo saad ka dhigtuu noqdaa,
*caqligii sadaradan cayimay wuxu ku saxeexay,
*ninkii seexduu sicii dibi dhalaye,
*Hankaaga in lagugu saro,
*Hankaaga in lagugu siro,
*Hankaaga in lagugu sooro,
*Sagaal jeer lagu xaqiro,
*dhaxaad sacabka u tumasee.

7 comments:

  1. Saxiipku waa garap anad marna ka marmii kariin saxiipkuu waa muraayad isku dawanysoo

    ReplyDelete
  2. Saxiipku waa garap anad marna ka marmii kariin saxiipkuu waa muraayad isku dawanysoo

    ReplyDelete
  3. Saaxiibku waa shakhsiga ugu effect badan dunida

    ReplyDelete
  4. Saaxiibku waa qof inta badan ku lamaana ah noloshaada, saaxiibtinimadu waa mid ka dhalata is aaminaad laba qof dhex marta, maaha mid ku xidhan da’ ama midab qabyaalad leh, laakiin waa mid astaamo iyo sifooyin daacadnimo ka muuqato.

    ReplyDelete