Tuesday, July 21, 2015

Mujaahid Xasan yonis habane

Mujaahid Xasan yonis habane wuxu ka mid ahaa halyeyadii u soo halgamay qaranimada somaliland. Dhawaana waxan soo qori doonaa qaybo ka mid ah taariikhdiisii.la soco qaybaha dambe.

Saturday, July 4, 2015

Hoos u dhac ku yimid suuqyada China

Dawladda ayaa isku dayaysa in ay sare u qaado suuqyada maalimihii u dambeeyay.

Wixii ka horeeyay todobaadyo suuqyada saamiga ee Shiinuhu waxa ay ahaayeen kuwo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adduunka.

Suuqa saamiga ee Shanghai ayaa qiimihiisu labo jibaar ka saro maray sanad gudahii.

Laakiin maalmihii u dambeeyay suuqyada Shiinaha ayaa la kulmay hoos u dhac iyaga oo lumiyay tirilyano doolar oo qiimaha saamiyada ah.


Haatan, waaxda dabo gasha ammaanka Shiinaha ayaa sheegtay in ay baadhayaan in qolyaha ku lugta leh ay si khalad ah u iibinayaan wax soosaarka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dawladdu ay xayirtay sagaal iyo taban xisaabo bangi, kuwaas khamaar ku dhigayay in suuqyadu ay hoos u dhicidoonaan.

Dadka wax indhaindheeya waxa ayleeyihiin waxaa jira jahwareer sii kordhaya oo ka jira suuqyada saamiga iyada oo saamilaydu ay isku dayayaan in ay dhimaan ama la baxaan sheerarkooda si ay khasaaraha u yareeyaan.

Mid ka mid ah dadkaasi wax taxliiliya ayaa sheegay in xaaladan hadda taagan ay tahay mid aan horay u soo marin suuqyada saamiga ee shiinaha taarikhda dalkaasi shiinaha.

Gabay ka hadlaya SAAXIIBKA

*Sumada dhacdadiyo xiliga,
*Bilaha sanadkiyo qarniga,
*Sooyaalka qadiimigee ,
*Samayska aduunyadiyo,
*Saan qaad leh aadamiguye ,
*Ilaa sabaankani casrigu.
*Casrigu ku qeexay siyaasiyo,
*Soodh laba af lahe ,
*Sxbku wuxu ahaa halbeeg,
*Sidig ku ah naftoo kalsooni ku siiya,
*Sadriga qayb buu ahaa,
*Sidaha wadnuhuu ahaa,
*Saldhiga tashiguu ahaa,
*Siraad baxayuu ahaa,
*Dul qaad buu ahaa,
*Rajada hanka lagu sabuu ahaaa,
*Subaga maskaxduu ahaa,
*Sxbku wuxu ahaa sideed hooyadu dhashiyo,
*Sokeeye mid kaa xiguu ahaa,
*Sirtaaduu xafidaa,
*Sxbku wuxu ahaa hiilkii Sumcadaadiyo,
*seef aad ku dagaal gashiyo,
*Sama waduu ahaa,
*Sxbku wuxu ahaa kasoo hadha,
*Maalintay danaystayaashu socdaan,
*Qabyaalad sunteediyo qadiyad sooc kuguma daayo,
*Sxbka wngsn sinaba kuma kala hadhaane,
*Markaa hilipka soorataan waxaad saami u heshuu,
*Sadkaaga in kuugu daraaye.
*Awood kaa saraysiyo ,
*Sxbku maaha suldaan.
*Sahanka noloshuu ahaa ,
*Surin ku dayashuu ahaa.
*Markaad silbadana mid ku saxuu ahaa,
*xurmuu kugu sooraaa,
*Adoo sun siinayuu subag kugu sabaaaa,
*Korkaaga wax sariyo sahankuu kaa ilaaliyaa,
*Sagaal jeer haduu wax helo,
*Saluug kuuma muujiyee,
*Siduu shalay ahaa baad,
*Saaka ugu tagtaaye,
*Sxbku dad buu noqdaa,
*Sxbku dal buu noqdaa,
*Sxbku runtuu noqdaa,
*Sxbku xaq buu noqdaa,
*Sxbku cibaadiyo saad ka dhigtuu noqdaa,
*caqligii sadaradan cayimay wuxu ku saxeexay,
*ninkii seexduu sicii dibi dhalaye,
*Hankaaga in lagugu saro,
*Hankaaga in lagugu siro,
*Hankaaga in lagugu sooro,
*Sagaal jeer lagu xaqiro,
*dhaxaad sacabka u tumasee.